Fu’aad Suleymaan oo ka mid ahaa Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa Aroortii hore ee saakay Gaari uu watay oo ay la socdeen Qaar ka mid ah ehelkiisa kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ku Qarxay Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere.
Dhaawaca sadax ruux iyo dhimashada marxuun Fu’aad ayaana ka dhashay Qaraxaas si aan wax badan oga ogaano ayaan wax ka weeydiinay gudoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf,waxayna faah faahin ka bixisay waxa uu ahaa Shaqsiga qaraxa.
Sidoo kale waxa ay sheegtay Gudoomiyaha dagmada boondheere in qaraxa Kadib ay laamaha amniga xabsiga dhigeen Shaqsi ilaalo ka ahaa Garaash  ay sheegtay in laga soo saaray gaari inta uu qarxin ka hor.
Inta badan Al-Shabaab oo sheegata masuuliyadda qaraxyada Noocan ah balse weli ma jirto qaraxaas khasaaraha gesytay ee saakay ka dhacay Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Boondheere.