Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolada Jubbooyinka ayaa soo gaarey Magalada caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo ka soo tegay deegaanadii ay maamulayeen.
Guddoomiyeyaasha oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in laba arrin ay uga soo tageen deegaanadii ay madaxda ka ahaayeen taas oo ay ku kala sheegeen.
1: Dhibaatooyin ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan Shacabka deegaanada ay maamulaan, ka dib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyaan deegaanadaas,iyaga oo tusaalo u soo qaatay burburintii Ciidamada Kenya ee Shirkada Hormuud.
2: Caga-jugleyn iyo hanjabaad uga timid dowlad Goboleedka Jubbaland waa sida ay hadalka u dhigeyn,waxa ayna ku baaqeen in dhibaatooyinkaas wax laga qabto.
Ilaa Saddex guddoomiye degmo oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen in dhibaatooyin dhinac walbo ah qabaan Shacbaka Gobolada Jubbooyinka,welina warkaas ka soo baxay guddoomiyeyaashaas wax jawaab ah kama bixin madada Jubbaland.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolada Jubbooyinka.