Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo shir jaraa’id Maanta ku qabatay Xarunta Guddiga ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay faahin ka bixisay doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo dhawaan la qabanayo.
Xaliimo yarey ayaa sheegtay in dhawaan la qabanayo doorashada kursi uu baneeyey Ex-Xildhibaan Dahar Cali Faarax oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Waxa ay ka dalbatay Oday dhaqameedka ku jiray 135 Oday ee Beesha kursigaan isla leh inuu si deg deg ah ugu soo gudbiyo Guddiga 51 Ergo ee laga doonayo inay doortaan Xildhibaanka mudo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 22-ka Bishaan.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in musharixiinta u tartameysa kursigaan in qabashada Araajida iyo diiwangelintu ay bilaabaneyso 22-ka Bishaan kuna egtahay 29-ka Bishaan Setember Sanadkan 2018.
Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka Beesha kursigaas xaqa u leh iyo musharixiinta in dhamaantood ay wada dhowraan waqtiga loo qabtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka.