Xubnaha Guddiga Amniga u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay sheegeen in ay soo bandhigayaan dhibaatooyinka ka jira Xasbiyada ay Maamulaan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga kana mid ah Xubnaha Guddiga ayaa ka hadlay kormeer ay ku tageen Xarumo ka mid ah goobaha ay dadka ku xiraan Ciidanka Nabadsugida oo uu ku jiro Godka Jilacoow.
Waxa uu sheegay in Xarumihii ay booqdeen ay ku soo arkeen waxyaabo aysan mudneyn dadka maxaabiista ah,isla marakana ka guddi ahaan,iyaga oo la xisaabtamaya dowaldda ay soo bandhigi doonaan  dhibaatooyin ka jira Xabsiyada ay Maamulaan Ciidanka NISA
Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ay yeesheen Guddigooda kulan ay su’aalo ku weeydiiyeen laamaha amniga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Waxaa sidoo kale aan waxka weeydiiney farqiqa u dhaxeeya dowladda hadda jirta iyo dowladii uu ka soo noqday Wasiirka Amniga ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Maxamed cabdi Xasan Iidle.