Weli waxaa xiran Suuqa Ganacsiga ee suuq boocle oo ku yaalla degamda Dharkenley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii Ganacsatadu ay sheegeen in lagu soo rogay lacago xadhaaf ah oo aysan bixin Karin.
Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaalla lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar,isla markaana taasi aysan awoodin.
Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley ayay sheegeen in ay ku amreen in ay xiraan goobaha Ganacsi,iyaga oo xiray qaar ka mid ah Ganacsatada.
Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sidoo kale waxa ay dhigeyn banaanbax cabasho ah maadaama Goobahooda Ganacsiga oo ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jiraeen uu Maanta ka xiran yahay.
Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay inoo sheegeen in haatan wadahadal ay u socdaan Maamulka degmada,isla markaana ya rajeynayaan in xal kama dambeys ah la gaaro.
Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah Ganacsatada.