Wararka aynu ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta soomaaliland ayaa ku waramaya in maanta saacada kooban uu hakad galay ganacsiga magaaladaas, kadib ganacatada oo cabasho ka keenay sara’ukac ku yimid lacagta dollerka Mareykanka.
Maanta oo Khamiis ah ayaa la sheegay in ganacsatadu ku ballan sanaayeen banaanbax, hasa’ahaatee uu baaqday, waxaana uu ku saabsanaa dibad baxaas isbadalka ku yimid sarifka, gaar ahaan Dollerka oo kor ukacay.
Cabdirisaaq Yuusuf Aadan oo ka mid ganacsatada magaalada Hargeysa ayaa u waramay Radio Dalsan, waxaana uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay sarifka ahaa mid laga dareemay sara’ukac baahsan, oo sameyn ku yeesha ganacsigooda.
Halkaan hoose ka dhageyso.