Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Maalmahaan ay jirtay cabasho ka soo yeereysay dadweynaha ee ku aadan Isbaarooyin yaalla deeegaano ka tirsan Galmudug.
Waxa uu sheegay in ay horay u wadeen howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinka balse ay hakad gashay kadib markii ay saameysay khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareysa Puntland.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in mararka qaar burcada dadka dhibaateyneysa ay wataan dareeska Ciidamada balse aysan aheyn kuwa Galmudug.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey in dhawaan Galmudug ay bilaabi doonto howlgallo lagula dagaalamyo kooxaha burcad ah ee jidgooyooyinka u dhigta dadka Shacabka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.