Wararka naga soo gaaraya degmada balcad ee shabelada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in halkaas uu ka dhacay banaanbax looga so horjeedo Canshuurta laga qaado gaadiidleyda ka howlgala Gobolka Shabeellaha dehxe oo la kordhiyey.
Darawaliinta Gaadiidleyda ayaa Maanta waxa ay sameeyeen banaanbax ay ugu soo horjeedaan Canshuurta ay ku soo kordhiyeen Maamulka degmada balcad iyo kan Shabeellaha dhexe.
Mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka banaanbaxa dhigay oo gaarayay ilaa 50 ayaa sheegay,isaga oo Dalsan la hadlayey in lacagta lagu soo kordhiyay mid aysan awoodin gaadiidleyda,isla markaan ay dalbanayaan in laga joojiyo.
Waxa uu sheegay in  haatan ay ku xayiran yihiin koontoroolka Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Balcad,hayeeshee uu socdo dadaalo xal looga gaarayo arrintaan.
Waqtiyada qaar ayaa gobolada dalka Gaadiidka ka Shaqeeya darawaladooda waxa ay ku dhawaaqaan Shaqa joojin,iyaga oo ka cabanaya in isbaarooyin horleh lasoo dhigay deegaanada ay ka howlgallaan.
Hoos Ka Dhageyso Mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka.