Micnaha ciwaanka qormadeeyda waa maahmaah soomaliyeed oo micna weyna xambaarsan.
sababta waxey tahay soomaalida dhaqankeeda waxa lagu yaqiin khilaaf kastaa how dhexeyee hadii ay isu timaad.
duqowda iyo waxgaradkaba hadii ay kulmaan  wada hadalka xaajada inkastaa ha gaartee wanaagbay  ku dhamaan jirtay iyadoo lees marxabeynaya ayaane lagu kala tegi jiray geedka wada hadalka.
haatanse micne kale ayaa yimid cidna aysan garankarin inta wadata mooye.
waxa taa ka wadaa Hiiraan maxay Jowhar ku diiday ?
waa laba gobal oo odhwadaga xigto iyo walaala ah sinaba aanan ku kala tegin karin.
duqoowda labada Gobol kuwa isfahmi waaya maahee yaa soo sadaxeeyay shisheeye iyo sokeeyaba ?
hadii adan garaneen aynu wada doona jawabta.
Caaqil horaa laga hayaa Hasha maankeeyga gadaye Ma misaarbey liqday.
waxa saa  u leeyahay Hiiran maxay Jowhar ku diiday ?
waa su’aal u baahan in loo helo jwb aanse u deyno cida naga muddan jwbtaa bixinteeda.
hadaana ahayn ma duqowdi howshaani qabashadeedu ka dhexeysa leesku arag diiday ileen Hiiran Jowhar  madiidee.
shacab warkii daa waxa saa u leeyahay micna dowlad Gobaleed iyo federal micnahiisaba, kuwa yaqana maha badidooda aan dhoho.
waxeeyse aad u garanayaan riwaayada socotee atoora heeduna maqanyahay haguhuna ka wado howsha daaha gadaashiisa .
magaceedu wuxu yahay cid nadiidaa yey jirin.
gacan bidixeentu waa maxay mid qarsoona maahee.
fasirkeeda ka bilow qoraalkii lagu qeexay qeybsiga ku saleysan qabaa’ilka.
shaxdaan soo baxsatee laga helaay shisheeyaha wey u jeeda weyntahy  wanaag iyo xumaan.
Sir ma qabe raxmaanka u sahana sheekadan socotane micna dheer uma baahno .
Ciddi aansa ogeen si ay wax u ogaato  ha dhegeysato  go’anadii ka soo baxay duqoowda reer Hiiraan.
Raaci kulankii dhex maray Igaad iyo Odayada reer Hiiraan.
ku darso Jowhar iyo aragtideda malamleen dabadeed aragtidada ku biiri adigoo ka tegeen ciwaanka qormadeyda ee ah Halgeliin ka xumaday wey Godol xumeysa.
hadaanay  taasi ahayn dib u fiiri sooyaalka sheekada .
Burburki dabadii  Tariikhda sii raac hadey taasi adkatana  ama aad heli weeydo mida xigtaa iska qaado.
haddi aad laqi weydo hadalkada ha joogo allow ur u bixi iyo sidey khayaasta ku siiso.
gunta hadalka qurmadeyda u jeedkeeda aan  galo
uma qaadan qalinkaan dulmi in aan ku sameeyo  ama aan la beegsado shaqsi ama shaqsiyaad.
U jeedadiisuna waxay tahay dadkeyga iyo dalkeygaba dhibku in uu ka haroo turjubanada nadayaan.
intay wax ka dhexeysana aragtidooda looga haro , loona madax baneeyo wada xaajoodka dhexdooda.
in lees fahama xalka weeye wada hadalbaase u asal ah.
hadey intaasi ahayn ergadeynu ha ahaato ethopiya inteediyo Igaad iyo intii kale.
leeys baray markaanoo wax harey ayaan jirin , macalimiinta wax noodhigtaa casharkooda lawada baray .
waxayse su,aashu tahay mida haatan joogtee hiiraan ee ka qeyliday micniheedu miyaa. inaaney duqowdi wadahadlin oo leysu diiday micna dhaxaana uu jiro diidmaduna usababa
hadaane taasi ahayn hiiraanta hadashay mamidkalaa oo go’aan iskeeda qaadatay taa anigu ma aqaan
waxaase iiga haboon oo jawaabteeda la,weydiin inta gaartay go,aanka
kuli hadaaney ahayn aan soo xiro hadalkayga qofwalbaana ha ogaado run wixii lagu waayo beenu keenimeyso qofkastaa ha ahaadee duqow ama cuqaal waxgarad iyo siyaasiba taariikhdu waa mid qormeyso tagto iyo timaadaba
rurtuna waxay tahay HALGALIIN KA XUMAADAY WEY GODOL XUMEYSAA.
Fallada waxaa qalinka u qaatay Cumar Shaam waxaana soo jeedineysa Xamdi Xasan yuusuf.