Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho aya isaga oo ku sugan Magalada london waxa uu ka hadlay arrimaha Amniga Caasimadda iyo dadaalka dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso.
Waxa uu sheegay in Ciidamada amniga ay sitaxadar ah u xaiiqjiyeen amniga Caasimadda,isla markaana sidoo kale loo diiday in Gawaari sida waxyaabo lidi ku ah amniga in ay koontoroolada Magalada Banaankeeda ah ka soo galaan Caasimadda.
Waxa uu Guddoomiye Yariisow soo hadal qaaday dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab,waxa uuna sheegay in lag doonayo in ay qaataan cafiska Madaxweynaha hadii kale tallaabo laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigay.
“Anaga waxan rabaa qof walba oo Soomaaliyeed xataa kuwa la qalday ee Shabaab ku jira in ay ka faadiideestaan cafiska madaxweynaha cidii diidana gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa ayu yiri gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee Qurba-joogta ah in ay kaalin weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.
Hoos Ka Dhageyso Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.