Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxaa Maanta lagu soo bandhigay 25 dhalinyaro ah oo loo soo qab qabtey in ay mararka qaar dadka dhici jireyn.
Goobta dhalinyaradaas lagu soo bandhigayey ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Ciidamada,Maamulka Gobolka Nugaal iyo Masuuliyiin kale.
Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magalada Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay sibareer ah dadka uga dhici jireyn Mobelada,iyaga oo jidadka taagan,isal markaana iyaga ay kasii xun yihiin waalidiintii dhalay sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Amniga ay diyaar u yihiin in mar walba ay gutaan waajibaadkooda qaran,dhawaana dhalinyaradaas Cadaalada lahor-keeni doono.
Goobta lagu soo bandhigayey dhalinyaradaas lagu eedeeyey dhaca Mobelada ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ,Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe, iyo guddoomiyaha gobolka Nugaaal.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Xaafadaha kala duwan ee Magalada Garoowe  ka socday holwgallo baaritaano ah oo ay wadeen Ciidamada Puntland ka dib cabasho ka timid qaar ka mid ah Shacabka Magaaladaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magalada Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile.