badi Dadka Shacabka ah ee ku nool xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ayaa wax ay dhigeyn banaanbax ay uga cabanayeen ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo ay sheegeen in ay ku hayaan barakicin.
Dadkaas ayaa waxa ay ku nool yihiin Waaxda koowaad ee degmada Kaxda ee Liiq liiqato Ex Xero mugdi,waxa ayna sheegeen in la dul-dhigay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ,isla markaana ay doonayaan in dadka kale loo cabiro dhulkooda.
Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayey oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Millateriga ay doonayaan in dhulkooda ay ka barakiciyaan,isla markaana ay dad kale ku wareejiyaan.
Waxa ay sheegeen in ay dhulkooda u heystaan dukuminti ama cadeyn ay ka heystaan dowladda Hoose,isla markaana ay yihiin dad mudo qarniyo ah deganaa,hayeeshee aysan aqbaleyn in lagu xadgudbo.
Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisuul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre in ay xiisadaas soo fagageliyaan,isla markaana ay ka qabtaan Ciidamada Millateriga ah ee dhibaatada ku haayo.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Shacabka banaanbaxa dhigay iyo Sawirada.