Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa holwgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku dhigeen Gaari siday qaraxyo kaas oo Saraakiishu ay sheegeen in la doonayay in la geliyo Magalada Baydhabo.
Saraakiisha Howlgalka hoggaamineysay ayaa waxa ay sheegeen in gaarigaas uu ka yimid Raama Caddeey ee Gobolka Baay,halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen bambooyin la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Magalada Baydabo,waxana uu uga mahad celiyay Ciidamada amniga iyo Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.
Darawalka waday gaariga ayaa sheegay in isaga oo aan ogeyn gaariga la saaray jawaan bambooyin ay ku jireen ,kaas oo lagu soo dhex qariyay Galey sida uu Darawalka sheegay.
Waxa uu sheegay in isaga oo gaariga ka maqan  loo sheegay in uu ku wareejiyo qof la siiyay taleefon lambarkiisa,kaas oo ku sugan Magalada Baydhabo.
Tallaabadan lagu qabtay Gaariga qaraxyada siday ayaa kusoo aadeysa xilli 19 Bishaan la filayo in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qbato doorashada Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga K/Galbeed kana daawo Sawirrada.