Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isla garteen in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo dhibaatooyin amnidaro ka jiraan.
Wasiirka Warafafinta koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee wadadaasi ka jirta ay geystaan Al-Shabaab,isla markaana ay dadka lacago bad ah uga qaataan wadadaas waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Maamulka koonfur Galbeed ay qorsheeyeen in la qaado Bisha 11-aad ee Sanadkaan howlgal wadadaas iyo deegaanada kale looga saarayo Al-Shaabab.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale goobaha laga saaro Al-Shabaab la geyn doono Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM si amniga deegaanadaas ay u ilaaliyaan.
S ikastaba Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa bilihi ugu dambeeysay laga soo sheegayay dhibaatooyin amnidarro,isla markaana lagu kufsaday 19 haween ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.