Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyo Xabsiga dhexe ee Xamar si ay uga qeyb qaataan sugida amniga Xabsiga.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in taliyaha Ciidanka booliska Somaaliya uu ka codsaday in Ciidamo AMISOM ah lagu soo xoojiyo Xabsiga si ay amniga u xaqiijiyaan.
Waxa uu sheegay in tiro yar oo Booliska AMISOM ah ay joogaan balse loo baahan yahay Ciidamo kale oo ka socda AMISOM oo xoojiya,maadaama taliskii ciidanka Asluubta uu u gaaray Xaruntiisa Wey n ee ku taalla duleedka Muqdisho.
Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira dad badan kuwaas oo siyabo kala dwuan loo soo eedeyey,haba ugu badnaadaane kuwo loo keenay dhaqancelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.