Weli waxaa degan xaalada Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waxaana howlgallo ka wada Ciidamada Millateriga ah ee uu hoggaaminayo Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
In kastoo howlgaladaas aysan Saraakiishu shaacin waxyaabaha ay ku soo qabteen ayaa hadana waxa ay qaarkood sheegeen in uu yahay mid amniga Magaaladaas lagu xaqiijinayo maadaama dhowr mar ay Al-Shabaab soo weerareen.
Xildhibaan Mahad Dhoore oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa sheegay in haatan la doonayo in isbedel weyn lagu sameeyo Magalada Marka,isla markaana aysan rajo ka qabin in ay dib ugu soo laabtaan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in Maalinta berito ah magalada Marka lageyn doono Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid,si ay uga howl bilaabaan,waxana uuna ka codsaday dadkii ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan.
Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Sanadihii ugu dambeeyey ku soo lab laabtay dagaal wajiyo badan leh sida,kuwa beeleed iyo kuwa u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Mahad Dhoore.