Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed  oo xalay ka qeyb galay munaasabad kooban lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah ayaa ka hadlay furitaanka.
Waxaa uu sheegay Taliye Bashiir in Ciidamada Booliska ay diyaar u yihiin sugida amniga dakedda weyn  ee Muqdisho badeecada kasoo degta xiliyada habeenkii ah,isagoona soo dhaweeyay furitaanka dakedda xiliga habeenkii ah inay shaqeyso.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay  in qalabkii amniga dekadda lagu sugi lahaa la keenay oo diyaar uu yahay iyo Ciidamada Booliska oo diyaar u ah sugida amniga.
Dhinaca waxa uu tilmaamay in la keenay Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo loogu tala galay in lagu  ilaaliyo gaadiidka xiliya habeekii ah ka baxa Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in aysan shaqeyn mudaddii uu dalka Soomaaliya uu ku jiay bur burka.
Hoos ka dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Booliska