Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa waxa ay kulan la qaateen Ciidamo la magac baxay mucaawiisley,kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.
Saraakiishaan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ay booqashooyin ku marayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,iyaga oo u kuurgalayay xaalada amni ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa waxa ay deegaanka Ceel Muluq oo hoostaga degmada Cadale ay kulan kula qaateen Ciidamada Kooxda la Magac baxay Macawuusleyda,isaga oo balan qaad u sameeyay.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin(Koronto) ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin kooxda Macaawusleyda ee la-dagaalamaya Al-Shabaab.
Waxa uu u sheegay in Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ay ka caawin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab,isla markaana sida Ciidamada xoogga dalka oo kale loo siin doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin,isla markaana looga baahan yahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kooxda Macaawusley oo ah Shacab is-aruursaday ayaa dhawaan waxa ay dagaal xoogan Al-Shabaab kula galeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha qeybta 27aad e Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.