Kadib dil Magalada Baladweyne xalay loogu geysatay mid ka mid ah Ganacsatada Magaaladaas,isla markaana sidoo kale ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,waxana arrintaasi warka soo saarey Maamulka Gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Dalsan waxa ay sheegeen in Ciidamada xasilinta ee dhawaan loo sameeyey Magalada ay bilaabeen howlgal ay uga daba-tagayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Guddoomiye ku xigeenka amniga Magalada Baladweyne Cabdiraxiin Muxumed  Taakow,oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada xasilinta ay gacanta ku dhigeyn dad lagu tuhmayo dilka Ninkaas.
Waxa uu sheegay in qorshaha amniga Baladweyne uu hataan yahay mid si xowlo ah ku socd,isla markaana baaritaano ay ku sameynayaan dadkii loo qabtay dilka Ninka Ganacsadaha ahaa,sidoo kalena ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka amniga Magalada Baladweyne.