Bulshooyinka dunida ku nool waxay ka simanyihiin inay leeyihiin maalmo xusuus gaar ah u leh sooyaalkooda oo saameeyn ku reeba nolashooda.
Maalmahaasi waxay isugu jiraan mahadhooyin lama ilaawaan ah iyo kuwa maamuuskooda loo mashxarado.
Tirsiga miilaadiga Maanta waa 12-ka bisha 10-aad ee October, waa maalin kale oo ku weyn mujtamaceena, maxaa yeelay waxaa la shaaciyay calankeena milgaha leh.
1954-kii, ayaa la qaatay hindise uu lahaa sida taariikhyahannada sheegeen Halgamaa, Maxamed Cawaale Liibaan.
Markaas waxaan helnay Calanka midabkiisu cirka u egyahay xidigta cadna dhexda ku leh ee dunida maanta nagu taqaanno.
Xidigta cad ee dhexda kaga taalla calkeenna buluugale, ayaa muujineya sidey tahay in loo mideeyo shanta Somaliyeed oo markaas intuba isticmaarku heystay.
Cabdullaahi Maxamed Sheegow, waa taariikhyahan waayo-joog ah, waxa uu ila wadaagay ogaantiisa.
“Waa astaan ama sumada mideysa Ummadda Soomaaliyed dhexda waxaa kaga taalla xidiga shan geesood ah waxa ayna ku fadhisaa aragti fog oo horay ddka Soomaaliyeed u qabto horayna u qabtay taas oo ah mid mideysa dadka Soomaaliyeed ayuu yiriâ€
Himilooyinka qaar ee ay muujineyso xidigta cad ee uu bartanka ku leeyahay calanka buluugga ah waa la hantiyay, maxaa yeelay lix sano kadib, hindisihii Cawaale,  waxaa madaxbannaanaaday gobolladii Koonfurta iyo Waqooyiga Somaaliya oo sameystay Jamhuuriyad mid ah, wallow sodon sano kadib ay rajadaasi wiiqantay.
Cabdullaahi Sheegow ayaa sheegaya in si kastaba  Calanka buluugga ah uu astaan u yahay qof walba oo Somaali ah.
“Waa astaan aan dowladaha kale uga duwanahay markii la tago Qaramada Midoobay Afrika iyo Carabta ayaa ngala garanayaa in aan Soomaali nahay aduunka kalena nagu yaqaano dadka Soomaliyeedna waxaa laga doonaaya in uu xushmeeyo dhowro Calankeena ayuu sii raaciyy hadalkiisaâ€
Dadka naqdiya nidaamka dowladnimda Somaliya ee 10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegay in hannaanka federaalka ee madax iyo calamo u gaar ah siinaya dowlad-goboleedyada uu halis ku yahay heybadda calanka qaranka.
Waxaase Cabdullaahi Sheegow uu Aaminsanyahay.
“Anigu maqabo in Maamul goboleedyadu ay dhaawacayaan maqabo balse waxa ay u baahan tahay kaliya Maamul Goboleedyada weey cusub yihiin waase in si loo kala maareeyo sababtoo ah Ururada iyo Hay’adaha qaar ayaa Astaamno samesta balse waxa ay ku wanagsan tahay in xoogaa lakal duwo ayuu hadalkiisa ku soo gab gabeeyayâ€
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu ka diyaariyay Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage isaga ayaana soo jeedin doona.