Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa maanta kal-fadhiga 41aad fadhigiisa 27aad ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland,waxaana lahor-geeyey mooshin dhawaan xildhibaano ka tirsan Puntland ka geeyeen shirada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Shirkadaas ayaa waxaa ay maamushaa Dekada Magalada boosaaso,waxaana xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in ay ka baxday balan ay horay ula gashay oo aheyd horumarinta dekada balse aaney waxba ka qaban.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in uu bur buray mooshinkaas  kadib markii la waayey tiradii uu ku ansixi lahaa in mooshinkaas ay soo gudbiyaan,sidaasina uu kulanka ku soo xiray.
Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa horay dalka inay ka Shaqeyso uga mamnuucay Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kale waxaa laga Eryay dalal uu ka mid yahay Jabuuti.
Hoos Ka Dhageyso Codka  Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi.