In ka badan kun iyo Afar Boqol oo ardayda Dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta u fariistay Imtixaanka kama dambesyta ah ee dugsiyada Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Imtixaankan ayaa horay uga baaqday ardada magaalada Baladweyne kadib fatahaadii ku dhufatay magaalada waxaana lagu balan sanaa in la qaado 19 bisha may ee aan kasoo gudubnay
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowlada Soomaaliya Cabdiraxaam daahir cismaan ayaa sheegay in Dowlada Soomliya ay la qeeyb saneeyso ardada dhibaatadii ay u geeysatay Fatahaada wabiga shabeellle waxaana uu tilmaamay in imtixaanka uu socon doono mudo 5 maalin ah.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabbdullaahi axmed Maalin ayaa sheegay in ay farxad u tahay ardada reer baladweyne manta madaama imtixaanka horay ugu baaqday ardada laguna dadaalay sidii ardadaasi ay u hele lahaayen imtixaanka.
Sikastaba 19-kii Bishii la soo dhaafay ee May ayaa guud ahaan dalka waxa ay Wasaaradda Waxbarashada ka daah-furtay qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare balse Ardayda Magalada Baladweyne uu dib uga dhacay sababo la xiriira fatahaad uu Baladweyne ka sameeyey Wabiga Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.