War saxaafadeed.
Ayadoo la tixraacayo go’aankii Barlamaanka Somalia uu ku kala diray 6-june 2015 Barlamaankii Jubaland waxaa umada Somaliyeed waajib ku ah gaar ahaan dadka dega jubooyinka iyo Gedo in ay dib u dhistaan Barlamaan loo dhan yahay.
Gobolada Gedo,Jubada Dhexe iyo jubada hoose Dowlada federaalka iyo Group-kii Axmed Madoobe waxaa la wada ogsoon yahay in ay Adis Ababa ay heshiis ku galeen 28-Augosto 2013 heshiis kaas oo ahaa in laba sano loo aqoonsado Axmed Madoobe inuu noqdo Hogaamiyaha kumeel gaar ah ee maamulka goboladaas oo hada laysku yiraahdo Jubaland taas oo qof kasta oo Somali ah ay la socoto iyo beesha Caalamka.
Waxaa kaloo xusid mudan in Mudadii Axmed Madoobe loo Ansixiyay ay ku egtahay 28-Ogosto 215 taas oo ay hada naga xigto mudo dhan 66-Cisho hadaba madaama uu san si dharci ah u sii jiri doonin maamulka Axmed Madoobe loona bahneyn in la abuuro meel banaan oo uusan maamul ka jirin.
Waxaa lagama mar maar ah in shacabka reer Jubaland ay u diyaar garobaan in ay buuxiyaan booska Axmed Madoobe oo banaanaan doona taasia waxay kalifeysaa taasina waxay kalifeysaa in shacabka jubaland ay shir deg deg isugu yimadaan madaama ay mudada ku yar tahay.
        Mahad sanidiin Shacabka Jubland.
Halkaan hoos ka dhageyso Wareysi aan Arimahaan kala yeelanay Professor Axmed Xasan Warsame oo kamid ah Aqoon yahanadii warkaan soo saaray.