Afhayeenka Maamulka Ahlu sunnada gobolada Dhexe Mursal Xeefow ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen howlgalo lagu baacsanayo dagaalamayaasha Al shabaab.
Waxaa uu xusay Afhayeenka in Ahlu-sunna aysan u dulqaadan doonin in deegaanadooda lagu arko dagaalamayaasha Al shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
Howlgalka ayuu sheegay in lagu xaqiijinaayo amaanka deegaanadda maamulka Ahlu sunnada gobolada Dhexe.