Xaliimo Maxamed Nuur waa hooyo soomaaliyeed  oo dhashay gabar  dhibane ah,waxaa ay manta soo booqatay Radio Dalsan waxa ayna ka sheekeesay dhibaatada haysa gabadheeda yar.
Fartuun Xasan Feysal waa gabar dhibane ah oo jirta Labo Sano Iyo Bar, Ma Fadhiisan karto, Cuntada Ma cuni karto oo waxaa lagu quudiyaa Faleembo,Mana Hadli Karto.
Hooyo Xaliimo Maxamed Nuur ayaa tibaaxday in xanuunka gabadha yar uu ka bilowday Nabar qoorta uga soo baxay oo markii dambe qaliin lagu sameeyay.
Waxaa ay xustay in qaliinkaasi kadib gabadha yar uu madaxa weynaaday islamarkaana dhaqaatiirta ay ku wargaliyeen in dalka aan waxba looga qaban Karin.
Maamadda ayaa dhinaca kale sheegtay in gabadha aysan seexanin habeen iyo Maalin,waxaana ugu dambeyn ay ugu baaqday Dowladda ,Hay’addaha Caalamka iyo Ciidii uu alle wax u dhiibay in ay soo gar-gaaraan.
Fadlan Caawi Gabdha walaashaada ee dhibaateensan hadii aad awoodo.
Kala Xiriir 0616767702 Oo Laga Helo  Hooyo Xaliimo Maxamed Nuur Ama  0618252736 Laga Helo Aabe Xasan Feysal.
WQ: Mohamed Ahmed Jeelle