Jowhar(Radio Dalsan):- Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay fariisin ciidamo ka tirsan dowlada ay kulahaayeen tuulada Sabuun oo hoostagta dagmada Mahaday ee gobolka Shabeelada Dhaxe
Gudoomiyaha dhanka amniga dagmada Mahaday Cabdulle Xuseen Maxamuud ayaa radio Dalsan u xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 4-ruux oo 3-kamid ah ay ahaayeen askar katirsan dowlada halka qofka kale ay aheed Haweynee ka agdhaweed goobta ay wax ka dhaceen wuxuuna intaasi raaciyay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2-ruux oo mid kamid ah shacab yahay
Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Amniga Mahaday
©Radio Dalsan