Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa Cigaal Inernational Airport ayaa maanta waxaa ka dhoofay xujeydii ugu horeysay ee reer Somaliland oo soo gudan doonto waajibaad-ka Xajka waxaana ay tiradoodu ay aheyd 70 xujey ah.
Waxaa Munaasabada xujeydaasi ugu baxayeen dalka sacuudiga ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliland Khaliil C/llaahi Axmed,taliayaha Ciidamada Socdaalka Soomaaliland S/guuto Maxamed Ismaan Caalim Dayib Guddoomiyaha Shirkada Ocean Airline Cabdiqani Maxamuud Cali iyo xubno kala duwan oo sagootinaayey xujeydii maanta ka dhooftay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.
Qaar kamid ah xujeyda maanta aaday Dalka saduuciga si ay u soo gutaan waajibaad xajka ayaa waxa ay sheegeen in toos uga dagi doonoo Magaalada Madiina,islamarkaana sheegay in ay tahay arrinta mid ku cusub.
Waxaa kale oo ay sheegeen xujeyda in ku faraxsan yihiin in aadan Sacuudig si ay u soo gutaan mid kamid tiirar islaamka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliland Khaliil C/llaahi Axmed ayaa soo dhaweeyay talaabadan wanaagsan ee ay sameeyeen,isla markaan sheegay in shirkii ugu horeysay ee duulimaad xajka ah sameyso in ay markaana Shirkada diyaaradaha Ocean noqtay tii ugu horaysay ee qaaday Xujay Soomaali ah.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Â