Taliyaha Ciidamada Asluubta maamulka Hirshabeelle ayaa kormeeray xabsiga dhexe ee Magaalada Baladweyne ,waxaana kormeerkiisa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee amniga iyo siyaasada Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahin Cabdulle.
Taliyaha Ciidamada Asluubta maamulka Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xabsiga xiligaan ay ka jirto dhibaato,islamarkaana sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto xaalada ka jirta Xabsiga dhexe ee balaweyne.
Dhinaca kale taliyaha  ayaa waxa uu codsi u diray dowlada federaalka Soomaaliya Dowlad goboleedka hirshabeelle, beesha caalamka iyo hay’addaha kale ee ku shaqada leh,isga oo sheegay inay argti u yeeshan xabsiga waxna laga badalo.
Waxa kale uu sheegay in baaqa uu u diray mas’uuliyiinta ay si deg deg ah uga soo jawaaban uu sii raacsiiyay hadalkiisa, Taliyaha Ciidamada Asluubta maamulka Hirshabeelle.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulka Hirshabelle