Masuuliyiinta Xeer ilalinta Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dilka Caawa Magaalada Muqdisho loogu Geystay Aabaha Dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.
Ku Xigeynka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaliya Muumin Xuseen Cabdullahi oo La Hadlay Idaacadda Dalsan Ee Muqdisho Ayaa Waxa Uu Sheegay in ka masuuliyiin ahaan ay ka xunyihiin sida ay wax u dhaceen,waxaana uu sheegay in madaxda laamaha ammaanka ee dowladda lga dhwrayo in y gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkan Dilka ka dambeeyey
Salaadii Maqrib Ka dib ayay ahayd Markii Kooxo Hubeesan Ay Ku dileen Dagmada Dharkeleey ee Magalada Muqdisho  Marxuum Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabaha dhalay Guddoomiyaha maxkamadda ciidmada Qalabka sida ee Soomaaliya Xsan Cali Nuur Shuute
Halkaan Ka Dhagyso Codka Xeer Ilaaliye Ku Xigaynka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Muumin Xuseen Cabdullaahi