Baarlamaanka maamulka Puntland oo manta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee maamulka Puntlaand aya ka dooday nadamka shaqalaysiinta ee hay’adda shaqaalaha Rayidka ee maamulkaas.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland C/xamiid Shiikh C/salaan ayaa sheegay in goluhu ay isku raaceen in sharci daro ay ku dhisantahay hay’addaan oo in muda ah ka shaqaynaysay dejinta hanaanka shaqaalaysiinta.
Dhinaca kale waxa uu cadeeyay in si rasmi manta baarlamaanku uu u kala diray hay’adda shaqaalaha Rayidka ee deegaanada Puntland isaga oo ku baaqay in si deg-deg ah loo sameeyo sharciga ay ku shaqayn lahayd hay’addan kadibna uu soo magacaabo Madaxweynaha maamulka Puntland masuuliyiinta cusub ee hay’addaan.
Halkaan Hoose Ka Dhagayso CodadkaÂ