Wararka ka imaanaya  degmada Beledxaawo ee Gobol Gedo ayaa ku warramaya in degmaasaas uu ka dhacay fal naxdin leh oo ay ka arga-gaxeen dadka degaanka, kadib markii haweeney ay middi ku dishay Haweenay kale oo daris la ahayd.
Falkaasi naxdinta leh ayaa si gaar ah uga dhacay degaan lagu magacaabo Oodan oo ka tirsan Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana layaab ay ku noqtay dhacdadaasi dadka degaanka.
Ka hor dilka ayaa la sheegay in labada haween uu dhex-maray muran, kadibna ay mid ka mdi ah soo qaadatay Toorreey, sidaasna ay ku dishay Haweeneyda kale oo sida la sheegay ay daris ahaayeen.
Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaalka Kaliil ee degmada.
Haweenayda dilka Fulisay oo magaceeda lagu soo koobay Calaso Muxumad ayaa goobta isaga baxsatay, taasi oo ilaa iyo hadda ay ku raadjoogaan laaamaha ammaanka.
Dadka degaanka ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay, waxaana ay sheegeen falkaaasi uu yahay mid ku cusub degaanka Oodan oo dilku ka dhacay.
Dhawaan ayay ahayd markii Caasimadda kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo uu Wiil ku dilay Hooyadi, dilkaasi oo uu u adeegsaday Toorreey.