La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka ku keeneyso ciidamo cusub oo ka imaanaya dalal shisheeye, kuwaasi oo bedel u noqon doona ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.
Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ciidamada cusub ee la qorsheeynayo inay dalka yimaadan ay ka shaqeynayaan oo kaliya inay ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah, sida garoomada diyaaradaha, maadaama ay ciidanka ATMIS uu waqtigooda sii dhamaanayo.
Wuxuu intaas kusii daray La-taliyaha Amniga Qaranka inay dowladda Federaalka ay wado wada-hadalo ku aadan hadalka ay ka imaanayaan ciidamadan, kuwaasi oo laga yaabo inay qeyb ka ahaadaan ciidamadii hore ee ATMIS.
Isaga oo sii hadlaayay Xuseen Sheekh Cali ayuu tilmaamay in laga yaabo ciidamada imaanaya dalka inay ku shaqeeyaan magaca Midowga Afrika, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin imaanshahooda.
Ciidamada la qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 3,000 ilaa 8,000 oo askari, ayaa la filayaa inay ka howlgalaan Soomaaliya muddo 12 bilood ah, iyadoo lagu saleynayo xaaladda ammaan ee dalka.
Ciidamadan ayaa si gaar ah uga shaqeyn doona inay u ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda iyo Garoomada kale ee maamul Goboleedyada.