Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madasha shirka ayaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Wasiirada Difaaca  ka socdany Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).