Madaxii hawlgallada dibedda ee al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dawladda Soomaaliya,oo soo saartay war-saxaafadeed ay arrintaasi ku faah faahinayso.
Dowladdu waxaa ay sheegtay in Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan  lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray.
War-saxaafadeedka kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cusmaan uu kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibedda, keenista ajaanibta ee dalka iyo fududaynta kala gudbinta fikradaha, waxaana dowladdu ay intaas ku dartay in marka la bartilmaameedsaday uu guri ku dhuumanayey.
Afhayeen u hadlay hawlgalka ciidamada Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa goor hore VOA u sheegay in dhaawac usoo gaaray hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo la bartilmaameedsaday, waxaana Taliska AFRICOM oo ka jawaabayey su’aal ay VOA weydiisay uusan magacaabin hoggaamiyaha al-Shabaab ee la bartilmaameedsaday.
Hawlgaka AFRICOM ayaa sheegay in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dawladda federaalka ee Soomaaliya.
Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku joogaan dalkan Maraykanka.
Mahad Salaad iyo wafdigiisa ayaa muddo toddobaad ah oo ay joogeen dalkan Maraykanka kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, iyo kuwa hay’adaha CIA iyo FBI.