Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu jiray walaac ku saabsan qaabka maamulida hawada Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya loogu caddeeyay in badqadka hawada uu yahay mid wanaagsan.
Sidoo kale Hay’adda Duulista Rayidka ayaa intaasi kusii dartay in aysan jirin wax amni xumo ah oo ka jira hawada Soomaaliya, isla markaana diyaaradaha maraya hawada badqabkooda yihiin kuwo wanaagsan.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya†ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, hase yeeshee waxaa soo baxayay toddobaadyadii la soo dhaafay walaac ku saabsan qaabka maamulida hawada Soomaaliya.
14kii bishan Febraayo ayaa Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho ayaa khalkhal la geliyay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya.