Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa soo Dhoweeyay 93 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan, kuwaas oo diyaarad gaar ah ay ka soo qaadday dalka Koonfurta Sudan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tilmaamay mas’uuliyad qaran howsha lagu soo daabulayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Suudaan.
Sidoo kale Ergayga Gaarka ah Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo galootiga ugu qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Yaasiin Xaaji oo hadal ka jeedisay munaasabadda soo dhoweynta ayaa ka mahadcelisay doorkii ay ku lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha ee ka qeyb qaatay soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh u wada soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo cararaya colaadda ka aloosan dalka aan walaalaha nahay ee Sudan.