Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala. Dadka dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa ka mid ah ilmo ka yar 11 bil.
Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah .
DFS waxay u mahad celisay Midowga Yurub oo maalgeliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa. Waxaa sidoo kale ay DFS u mahadcelinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.