Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyas Ali Hassan ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee damaca Itoobiya
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X/ twitter ayuu ku sheegay in mowqifka Soomaaliya uu halkiisii yahay. Waxa uuna yiri:
“Somaliya waxay soo dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, mowqifkeedu wuxuu weli yahay mid aan isbeddelin: Ilaa heshiiskii is-afgarad ee Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid waxba kama jiraan ah, islamarkaana la xushmeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dhammaan dadaallada lagu xallinayo arrintan ay noqdeen ma-dhalays, sababo la xiriira aamin-darrada Itoobiya.