Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in kadib baad-igoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed Xukuumad iyo Shacabba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe, Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Ceel Waaq oo Jubbada hoose ah iyo deegaanno kale oo kamid ah Soomaaliya.
Dalal badan oo kamid ah dowladdaha Islaamka ayaa goor hore oo Caawa ah ku dhawaaqay in berri oo jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.