Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrika iyo saaxibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga H. Afrika iyo Bangiga Adduunka.
Shirkaan oo qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee la qabto xiliga Guga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dood ku aadan sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka dhaqaalaha dalalka geeska Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sidoo kale kulamo ku aadan horumarinta dhaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxaana jira dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay dowladda dhexe.