Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday sida la sheegay dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Wasiiru dowlaha amniga XFS Maxamed Cali Xagaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sirdoonka Soomaaliya uu si dhow ula socday saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday.
Wasiir dowlaha ayaa sidoo kale tilmaamay in NISA la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo gobalada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekada.
Wasiiru dowlaha amniga XFS ayaa sheegay in dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ay NISA ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan. Ilaa iyo afar Gaari la qabtay.
Dhanka kale Sirdoonka Soomaliya ayaa wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday sida la tilmaamay Shabaabka oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
“Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka†ayuu yiri Wasiiru dowlaha amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.