Dowladda Soomaaliya, ayaa shalay dalka ka Eriday diblamaasi Itoobiyaan ah oo ka howlgalayay safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Cali Maxamed Aden, inuu faraha kula jiray “falal aanan waafaqsaneyn dowrkiisa diblamaasinimoâ€.
Cali Maxamed Adan oo ahaa ku xigeenka qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, ayaa lagu amray in uu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaana qaadday tallaabadaan si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.
“Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda.
Sidoo kale dowladda ayaa intaas ku dartay in Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin†(persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan.