Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta furay kalfadhiga 52–aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay marka hore in Somaliland gabood falo waaweyn ka geysatay Laascaanood oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen sida uu sheegay 334 qof, halka ee ku dhaawacmeen dadka kor u dhaafayo 3500 ruux, ayna sidoo kale ku barakaceen 200 oo kun qoys .
Deni ayaa xusay in Puntland ay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doonto shacabka SSC, haddii maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel, isagoo ka dalbaday in ciidamadiisa kala baxo Gobolka Sool.
Dhinaca kale Madaxwayne Deni oo sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ku eedeeyay golaha Wadatashiga in ay ka shaqeynayaan ajande halis ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.
“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si gooni ah wadahadal ugala gasho Dowladda federaalka arrimaha masiiriga ah si loo gaaro heshiis dhab ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe.
Sidoo kale Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada Gobolka Gedo, isagoo ku baaqay in Jubbaland dib u heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, isla markaana xiisada ka taagan Gobolka Gedo aan xabad iyo caburin loo adeegsan.
“Dowladda Puntland waxay walwal ka muujineysa xaalad amni iyo xasillooni daro iyo siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo, waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan†ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Puntland.
Gaba-gabadii Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa intaas kusii daray “ ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka isaga kala goosho jiray, waa nasiib darro in maanta dowladda Federaalka ku caburineyso dadka Gobolka Gedo wixii ay horay u diideenâ€.