Iyadoo wali uu taagan yahay Khilaafka u dhexeeya Maamulkada Jubbaland, Puntland iyo Dowladda dhexe ee Federaalka, ayaa Madaxweyne Saciid Deni waxaa uu ka hadlay arrimaha la isku hayo iyo mowfidkiisa khilaafka.
Deni ayaa isagoo ka hadlaayy ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 55aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaa uu sheegay in Puntland garab iyo gaashaan u noqoneyso Jubbaland sidii ay doorashadeeda ku qabsan laheyd, isagoo tilmaamay in Golaha Wadatashiga Qaran re hadda jira inuu nuxurkii beelay.
“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Puntland garab iyo gaashaan u noqoneyso dowladda Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharciga iyo nidaamkeeda yahay ay ku qabsato waxaan ku boorineynaa guddiga doorashada Jubbaland inuu doorashada Jubbaland qabtoâ€ayuu yiri Saciid Deni.
Axmed Madoobe ayaa ka baxay shirka Golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda federaalka, kadib markii la isku fahmiyay Qodobo ay doorashada ugu horreysa.