Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda Bandhiga waxqabadka 4-sano ee lasoo dhaafay iyo Daah-furka Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2023.
Munaasabadda 8-January 2023, ayaa si ka duwan Sidii hore loo xusay xalay, Iyadoo lagu soo bandhigay Waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, oo lagu soo gudbiyey Qoraal, Buug daabacan iyo Dukumenteri maqal iyo muuqaal ah.
Waxaa Bulshada iyo Warbaahinta oo toos u tebinaysay lala wadaagay Yoolashii Madaxweynaha ee xiligii olihiisii Doorashada, Habka yoolkasta loogu jaangooyay qordhe dhameystiran iyo Waxyaabaha ka qabsoomay sida Amniga, Ciidamada, Dimuqraadiyadda, Maaliyadda, Waddooyinka la dhisayo iyo Garsoorka.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, Goleyaasha Dowladda ,Golaha Garsoorka, Ururada Siyaasadda Puntland, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada Puntland, Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Dhanka kale Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sababta Puntland aysan u saxiixin Qodobadii kasoo baxay shirkii Madasha Watashiga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in puntland ay diiday laba qodob oo mid garsoor Madax banaan iyo qodob kale oo ah Awoodaha Dawlada iyo Maamulk goboleedyada oo aan waafaqsaneyn sida uu sheegay Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka.