Guud ahaan waxaa maanta si weyn looga ciidey gayiga Somaaliyeed,shacabkuna waxa ay u dabaal dagayaan maalintan weyn ee Carafo ,balse taas badalkeeda maanta waxaana laga ciidin magaaladda Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud.
Culimadda Masaajidka weyn ee degmadda Caabudwaaq ayaa shaaca ka qaadey,in ay maanmta soontay islka markaasna bisha ay sagaal u tahay maalinta ciidan ay Isniinta tahay.
“dowladda sucuudiga oo iclaamisay in axadda ay ciid tahay waan ku ixtiraamaynaa aragtideeda waayo waa dowlad Muslim ah oo ay u fatwoodeen culimadeedu ama ay arkeenba iyagu inaguna kalamadaalic ayaanaha oo kuma raaci karno iyaga†ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee masaajidka weyn ee degmada Caabudwaaq.
Hadal hayn weyn oo dhanka baraha bulshada ah ayaana ka dhalatey,Marar badan oo kale ayey dhacdey in degmadan khilaafto bulshadda kale ee soonmaaliyeed iyo guud ahaan caradda kale ee islaamka,Caabudwaaq in kastoo ay dadka qaar ciidayaan oo ayna bulshadda oo dhan ku koobneyn hadana arintan waxa ay gaar u tahay wadaaddo mayal adag oo ku nool degmadaas.