Wararka naga soo gaarayo Hoolka Shirarka ee magaalladda Cadaado waxay sheegayaan inuu Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer” uu ku guuleystay Kursiga Beesha Murusade ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Somalia.
Musharaxaasi waxa uu ku guuleystay Musharax Luul Maxamed Shiikh Cusmaan oo la tartamaysay.
Waa Musharixii 3-aad ee ilaa iyo haatan ku soo baxay Liiska Musharixiinta Galmudug ee uga mid noqonaya Aqalka Sare ee Senedka ee Barlamaanka Federalka soo socda,
Waxaa Doorashadaasi ilaa hadda ku soo baxay: Abshir Bukhaari, Jeneral Cabdi Qeyb-diid iyo Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer”.
Waxaana weli socota Cod-bixinta, si loo dhamaystiro 8-da xubnood ee Galmudug uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Tartanka Musharixiinta ee Galmudug ayaa lagu tilmaamay kan ugu miisaanka culus marka loo eego Maamul-gobaleedyadda kale.