Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay  Cabdi Muriidi “Ajakis†saakayto ka soo masaafuriyeen magaalladda Hargeysa, isla markaana la soo saaray Duullimaadka Diyaaradda African Airways ee la filayo inay barqanimadda soo caga dhigato Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda  Muqdisho.
Weriyayaal ku sugan Hargeysa oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Waaxda Socdaalka Somaliland shalay qabteen Ajakis, xilli uu la socday Diyaarad soo caga-dhigatay Garoonka Cigaal ee magaalladda Hargeysa.
Saraakiisha ayaa sheegay inuusan Majaajilistaha Ajakis wadanin Fasaxa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee la siiyo Suxufiyiinta doonaysa inay soo booqdaan Somaliland.
Majaajiliste Ajakis ayaa la sheegay inuu shalay ka dhoofay Muqdisho, isagoo Tranist ku ahaa Hargeysa oo uu uga sii gudbi lahaa magaalla-madaxda Is-maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga.
Cabdi Muriidi “Ajakis†oo ka mid ah Majaajistayaasha ugu caansan Somalia ayaa waxa uu la shaqeeya Telefishinka UNIVERSAL oo uu Soo-saare ka yahay Barnaamijka Faaliyaha Qaranka ee lagu falanqeeyo  Kaftan-siyaasadka ay dhibsadaan Siyaasiyiinta seef-la-duulka ah, inkastoo ay soo dhaweeyaan Siyaasadda Furfuran ee Dimuqraadiyiinta ah.
©Radio Dalsan