Boqolaal Askari ayaa ku xeeran Dhismo lagu tuhunsan yahay inuu deggan yahay Nin qaxooti Suuryaan ah oo lagu magacaabo Jaabir A. kaasi oo la sheegay inay Indhaha ku hayeen Ciiddanka Ammaanka.
Boliska waxay dadka ka daad-gureeyeen Dhismaha gurigaasi oo ku yaalla magaalladda Chemntiz ee Koonfurta magaalladda Berlin, kana fogeyn xuduudka u uJaemalka la wadaago dalka Czech Republic.
Wargeyska Online Focus ayaa qoray in Eedeysanaha lagu tuhunsan yahay qorshe uu ku qarxin lahaa Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla dalka Jarmalka.
Saraakiisah Boliska iyo Milliteriga ee dalka Jarmalka ayaa sheegay inay xaallad cabsi leh ka jirto Deegaanka Fritz-Heckert area ee magaalladda Chemnitz, C0810, iyadoo Ciiddamo xooggan ku gedaaman yihiin halkaasi.
Ciiddanka Boliska (Polizei Sachsen) ayaa sheegay inay qaadeen Hawlgal ballaaran, kadib, markii lagu soo wargeliyey Nin u diyaar garoobay inuu qaado weerar qarxyo ah.
Boliska waxay Dhismahaasi ka heleen Qarax nooca la hago.
Afhayeenka Boliska Gobalka ee dembiyadda, Tom
Bernhardt ayaa sheegay inay Saraakiisha habeen hore heleen warar dhinaca Sirdoonka, isla markaana ay ku hawlan yihiin inay fashiliyaan cabsidaas khatarta ah.
Saraakiisha weli ma bixinin Faahfaahinta dhamaystiran ee Hawlgalkooda, balse, Saxafi u dhashay Jarmalka ayaa sheegay inuu Deegaanka u eg yahay in dadka laga saaray sbaabo la xiriira Khatarta Qaraxyo.
Magaalladda Chemnitz waxaa ku nool in ka badan 200,000 oo qof.
©Radio Dalsan