Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavrov ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay garwaaqsadaan Codsi ka soo gaaray Dowladda Federalka Somalia, si loo hubeeyo Ciiddanka Ammaanka ee dagaalka kula jira waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.
Wasiirka ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu maanta la kulmay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.
Sergei Lavrov  waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka iska kaashan doonaan Iskaashiga dhinaca Milliteriga.
“Waxaan ogahay inta aad ku guda-jirtay booqashadda aad ku joogtid Raashiya  inaad doonayso in laga wada hadlo sidii loo qalabayn lahaa Ciiddanka Ammaanka Somalia, taasi oo lama huraan u ah La-dagaalanka Argagixisadda†ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya.
Wasiir Sergei Lavrov waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Raashiya diyaar u tahay inay ka baaraan degaaan codsiga Dowladda Federalka, oo uu xusay inuu waafaqsan yahay Danaha Beesha Caalamka iyo Go’aanadda Golaha Ammaanka ee QM.
©Radio Dalsan